Koox hubeysan ayaa waxay xalay weerar ku qaadeen Ciidan katirsan kuwa Dawlada Soomaaliya iyadoo weerarkaasina uu khasaaro ka dhashay.
Qarax nuuca gacanta laga tuuro ah ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen ilaalada gudoomiyaha maamulka Degmada Dharkiinleey kaasi oo kusugnaa Xaafada Mac macaanka.
Qaraxa waxa ku dhaawacmay kudhawaad 5 qof oo Labo ay Askartii la beegsaday ahaayeen iyadoo Gudoomiye kuxigeenka Dhinaca Amniga iyo Siyaasada Degmada Dharkiinleey uu sheegay in ciidanku howlgal sameeyeen qaraxa kadib.
Gudoomiye Daa’uud ayaa ku faanay inay gacanta ku hayaan kooxdii weerarkaasi qarax ka dambeysay sida uu hadalka udhigana ciidanka Amniga Degmada dharkiinleey ay hadda hayaan.
HALKAAN KA DHAGEYSO