Wararka aan ka helayno Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Ee Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka Maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan shaqadii looga ceeriyey Gudoomiyihii Degmada Luuq Ee Gobolka Gedo.
Warar ay Ilo wareedyadeeda ka Heshay Warbaahinta AGGM ayaa waxa ay sheegayaan in Maxamuud Sayid Aadan oo hadda ku sugan degmada Luuq uu kala diray maamulkii degmaaasi.
Waxa lagu Eedeeyey inuusan wada shaqeyn la laheyn Bishaar Aadan Gudoomiyihii laga ceeriyey shaqada taasi keentay in shakhsi kale lagu dul magacaabo isna la Eryo.
Hore Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaweyne Kuxigeenka Koobaad Ee Jubbaland ayaa waxa uu shaqada kaGA ceeriyey Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Gedo iyo Xubno kale.
HALKAAN KA DHAGEYSO