Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayay Wargeyska Asharq Al-Awsat oo ka soo baxa Wadamada Khaliijka ayaa markii ugu horeesay ka hadlay sababta ka dambeysa in ay xiriirka u jiraan Dalka Iran.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda Tehran ay qatar ku tahay Dalalka Carabta, islamarkaana ay waday Dalka Soomaliya feker diimeed sida uu hadalka u dhigay.
Mr. Xasan ayaa waxuu shaaca ka qaaday in ay hayaan cadaamo muujinaya in Iran ay Dalka ka waday feker diimeed, taasina ay horseeday in ay xiriirka u jiraan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxuu cod dheer ku sheegay in dhowr mar ay dacwad u gudbiyeen Xukuumadda Tehran balse ay iska dhaga tirtay, buu yiri Madaxweynaha.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay taageero nuuc walba balse waxuu hoosta ka xariiqay in aysan u dulqaadin doonin in feker diimeed laga unko Dalka Soomaaliya.
HALKAAN KA DHAGEYSO