Raiisal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka biyo diiday qodobka ka hadlaya saami qaybsiga kuraasta Aqalka sare ee khuseeya Xubnaha Somaliland.
Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay inay arrintaasi ahayn mid ay ku qanci karaan, wuxuuna madasha hoggaamiyayaasha ugu baaqay inay dib u eegaan qodobkaas.
Waxa uu tilmaamay inuu Madasha Geeyay Fikrada ay ka qabaan xubnaha laga siiyay balse laga awood badiyay taasoo keentay in Go’aankaas la gaaro.
Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka Qaalib ayaa ku taliyay in marka la isugu yimaado bisha Salgaalaad Shirka ugu Danbeeyay ee Madaxda Soomaalida in Xubnaha Aqlaka Sare sida loo qeybsaday dib u eegis lagu Sameeyo si looga fogaado Qalaldaad Siyaasadeed oo dhaca.
Carte ayaa ugu Danbeyn ka digay in hadii Go’aanka sidan ahaado ay sii kala fogeyneyso Dowlada federalka iyo Maamulka Somaliland oo hada wadahadalo usocdo, inkastoo hada xoogaa hakad galeen wadahadalka.
HALKAAN KA DHAGEYSO