Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska ah.
Madaxweyne Guuleed iyo Saraakiisha Ciidamada Danab ayaa ka wada hadlay sidii wada shaqeyn buuxda ay u dhaxmarilaheyd Maamulka Galmudug iyo Ciidamada Danab ee Howlgalka ka wada Magaalada Gaalkacyo.
Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa sheegay in Kulankii dhexmaray Madaxweynaha Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka uu ku soo dhamaaday is fahan iyo Guul sida uu hadalka u dhigay.
Galmudug ayaa horay uga Carootay Howlgal Ciidanka Danab ay ka fuliyeen Koofurta Gaalkacyo,waxaana ay sheegeen in aan Galmudug Howlgalkaas lagu wargalin.