Wadanka Mauritius oo Lagu Xukumay 12 Soomaali ah

0

Maxkamad Wadanka Mauritius ku taala, ayaa go’aan ka gaartay kiiska 12 nin oo Soomaali ah, kuwaa oo loo haystay arrimo la xiriira burcad badeednimo.

Maxkamadda, ayaa waxay Khamiistii midkiiba ku xukuntay min shan sano oo xarig ah, ka dib markii ay ku heshay inay yihiin burcad badeed.

Maxkamadda, ayaa 14-kii bishii hore ee July ku heshay in ay burcad badeed yihiin, iyadoo Khamiistiina shaacisay xukunka ay ku riday.

Ciidamada shisheeye ee ku sugan Xeebaha Somaliya, ayaa bishii January ee sanadkii 2013-ka raggaasi ka qabtay Badweynta Hindiya, xilli la sheegay inay isu dayeen in ay qabsadaan markab xamuul ah. Ciidamada ayaa raggaasi ku wareejiyay Mauritius, si ay u maxkamadeyso.

Dacwad oogaha, ayaa xubnahaan ku soo eedeeyay inay rasaas oodda kaga qaadeen markabka MSC Jasmine, xilli uu watay Calanka Panama.

Qaadiga Maxkamadda, ayaa sheegay mudada lagu xukumay raggaasi in laga jari doono, saddex sano oo ay xirnaayeen.

Mudada xarigooda kaga harsan, ayaa waxay ku dhameysan doonaan xabsi ku yaala Magaalada Port Louis ee Xarunta Mauritius. Raggaan waxay da’doodu u dhaxeysaa 22 illaa 47 sano.