WARBIXIN TOP:- Maxaa iska bedelay Dhaqaaaha Soomaaliya ?

0

Soomaaliya ayaa muteysatay in ay hey’adda IMF iyo kuwo kale ee caalamka oo amaahda bixiya ay taageeraan,markii isbeddel lagu sameeyay hannaanka maaliyadda dalka, isla markaana la sameeyay mashaariic dib loogu dhisayo waddanka Soomaaliya, sidaa waxaa sheegay mas’uul ka tirsan heyadda lacagta aduunka IMF.

Samba Thiam,oo ka mid ah hey’adda IMF oo Email kula hadlay khubaro Soomaaliya kala shaqeysa dib u soo kabashada dhaqaalaha,ayaa sheegay in barwaaqo iyo nabad ay kasoo bidhaameyso Soomaaliya markii in ka badan 20 sano oo rabshado iyo dagaallo sokeeye ay ka dhacayeen Soomaaliya, iyadoo ay taasi jirtana ay madaxda dalka go’aansadeen in 30 Oktoobar ee sanadkan ay dhacdo doorasho madaxweyne.

“Horumarka illaa iyo hadda la sameeyay ayaa waxaa kamid ah sharciga maalgashiga, sharciga dejinta heshiisyada, qaabeynta maaliyadda guud ee wadanka iyo sharciga ka hortagga lacagaha la been abuuro,” ayuu yiri Thiam. “ Hadii qorshahan dowladdu sidaas ay u dhaqan galaan Soomaaliya waxaa ay IMF ka caawin doontaa galaangalka dhanka maaliyadda.

Hey’adda IMF iyo Bankiga aduunka (World Bank) ayaa Soomaaliya ka gacansiiya isbeddellada lagu sameynaayo qeybaha kala duwan ee ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka kaas oo soo jiidasho leh ,” ayuu yiri Thiam,waddamada daneeya Soomaaliya waxay ku bixiyeen lacag dhan $10 million oo lagu horumarinyay xirfadaha.

IMF ayaa sidoo kale, qorsheysay in Bankiga dhexe ee dalka ay ka caawiso inuu soo daabaco lacago cusub sanadka 2017 , Bankigu waxaa uu hadda ku jiraa wajigii ugu dambeeyay oo deeqbixiyeyaasha ku hubinayaan sida isbeddelka lagu sameeyay uu u noqday mid lagu kalsoonaan karo, sidaa waxaa sheegay guddoomiyaha Bankiga Bashir Ciise Cali.

Dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu kordhayaa 3.7 % sanadkan iyo kii la soo dhaafay, qiimeyn ay sameysay hey’ada IMF waxay ku sheegtay in dhaqaalaha uu sii kordhi doono haddii la adkeeyo amniga lana xoojiyo dowladnimada, isla markaana wax soo saarka beeraha xoogga la saaro, sidaas waxaa sheegay guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka.

“Hanaanka siyaasadda dalka waa mid socda oo qof kastana saameyn wanaagsan ku leh,” “ Dhibaatadeena ma ahan dhaqaale la’aan ee waa nabadda.”ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in wax soo saarka shidaalka iyo gaas uu billaaban doono sanadka 2020 ka dib sahmintii lagu sameeyay oo muujisay baaxadda kheyraadkaas.

Hey’adaha dowaliga iyo baarlamaan wax tar leh isla markaana awood u leh in ay galaan wada xaajood heshiis oo ku saabsan gaaska iyo shidaalka kale ayaa ahmiyad weyn u leh Soomaaliya, ka hor inta aan la soo saarin oggolaashaha, ayuu mar kale yiri Thiam.

“Sharciyo aan mad madow ku jirin, ayaan taageerada beesha caalamka u aragnaa inay tahay mid xiiso u leh wax soo saarta gaaska iyo shidaalka ka dib doorashada,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagebeeyay Samba Thiam,oo ka mid ah hey’adda lacagta Adduunka ee (International Monetary Fund) IMF.