XASAASI:- Puntland oo soo saartay Go’aan aysan fileyn Dowlada Soomaaliya

0

Golaha Wasiirada maamulka Puntland oo shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ku gacan seyray qorshaha Qaran ee dhowaan dowlada Somalia ay sheegtay iney dalka u sameysay.

Goluhu wuxuu caddeeyey in aysan qayb ka ahayn qorshahaas oo ah bay yiraahdeen mid aan marna matelikarin Puntland, sidoo kale goluhu waxa cadddeeyey in ay sharcidaro tahay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay u sameyso qorshe dawladaha xubinta ka ah dawladda Federaalka,.

Waxaa guluhu sheegay iney dib eegis dhameys tiran ku sameyaan qorshaha Horumarineed ee Puntland, kaasoo ku saleysan dhinacyada ay Puntland uga baahan tahay horurimarinta iyo siinta mudnaan baahida dalka

1

1