XOG RASMI AH: Maxaad ka Og tahay Dhaqaalaha ku baxa Mashruuca Dib u Dooro M/weyne Xasan Sheekh

0

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la ogaaday in uu hadda lacag badan ku bixinayo Barnaamijyo Xayaysiisyo ah oo laga sii deynayo warbaahinta Soomaalida, gaar ahaana Tv-yada ku hadla Afka Soomaaliga, waxaana Xayaysiisyadan kasoo muuqanaya Madaxweynaha Soomaaliya.

Xog la ogaaday ayaa daaha ka rogeysa in lacag fara badan lagu bixinayo Xayaysiiskan oo socon doona ilaa dhamaadka bisha September, xiligaas oo ay qabsoomi doonto doorashada Madaxweyne-nimada Soomaaliya, sidii horey loo qorsheeyey.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa laga ogaaday in lacag gaaraysa 400,000 oo Dollar laga qaaday labadii bilood ee lasoo dhaafay, taas oo la siiyey qaar kamid ah Tv-yada Soomaalida, waxaana lacagtan la sheegay in loogu magac daray Tv-yadaas shaqo ay u qabteen dawladda Faderaalka.

Barnaamijkan ayaa loogu magac darey DIB U DOORO Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana bishan laga bilaabay inta badan Warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha ee layska daawado ama Telefishinada, taas oo qeyb ka ah Ole-ole balaaran oo uu wado Madaxweynaha Soomaaliya.

Fargeeti oo ah Wasiirka Maaliyada dawladda Soomaaliya ayaa si qarsoodi ah u bixinayay lixdii bilood ee la soo dhaafay lacagtaasi, waxaana uu amar toos ah ka helay bixinta lacagahan Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, oo saami ku leh lacagaha ku soo dhaca Bangiga dhexe & Wasaaradda Maaliyada ee Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa walaac ka qabta in lacago fara badan oo loogu talo-galey Doorashada & Dibu dhiska Soomaaliya ay hadda dawladda jirtaa ee uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh u adeegsataa Doorashada lafilayo in ay ka dhacdo Soomaaliya dhamaadka sannadkan.