Raiisal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka biyo diiday qodobka ka hadlaya saami qaybsiga kuraasta Aqalka sare ee khuseeya Xubnaha Somaliland.
Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay inay arrintaasi ahayn mid ay ku qanci karaan, wuxuuna madasha hoggaamiyayaasha ugu baaqay inay dib u eegaan qodobkaas.
Diidmada Qodobkaas uu ka soo horjeestay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa waxaa la qaba Xubnaha Somaliland Dowladda Federaalka uga jira ee kala ah Xildhibaanada iyo Wasiiradda intaba.
Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa horay u sheegay in waxii ka soo baxay Shirkii ugu dambeeyay ee Muqdisho lagu qabtay aysan jirin in Cid gaar ah loogu daneeyay balse Danta Ummadda Soomaaliyeed loogu garaabay Shirka.