DAAWO:- Barakac Xoogan oo ka soconayo Magaalo ka mid ah Dalka Afghanistan

0

Shacabka ku dhaqan Magaalada Lashkar Gah ee Gobolka Helmand ee Wadanka Afghanistan, ayaa waxay bilaabeen inay isaga barakacaan Magaaladaasi, xilli hareeraheeda uu dagaal culus ka soconaayo.

Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Ururka Taliban, ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ku dhex maraayay dagaal hubka waawayn leesku adeegsanaayo.

Xoogaga Taliban, ayaa la soo sheegayaa in ay ku sii siqayaan Xarunta Gobolka Helmand ee Magaalada Lashkar Gah, taasoo dadka deegaanka ku khasabtay in ay guryahoodu isaga cararaan.

Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta Caalamka u sheegay in Xoogaga Taliban ay u muuqdaan kuwo ka soo gudbaaya fariisimaha ay ka dagaalamayaan Ciidamada Dowladda.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda, ayaa waxay beeniyeen in mintidiintu ay kaabiga ku hayso Magaalada Lashkar Gah.

Ciidan xoojin ah oo Dowladda Afghanistan ay ka dirtay Magaalada Kabul, ayaa rajo laga muujinayaa suurtagalnimada bal inay difaacaan Lashkar Gah.

Ciidamada Britain oo qayb ka ahaa isbahaysiga Nato, ayaa laba sano ka hor isaga baxay Magaaladaasi. Talibanka ayaa maamula inta badan Gobolka Helmand.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Helmand Helmand1 Helmand2 Helmand4 Helmand5 Helmand6 Helmand9 Helmand91 Helmand92