Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada qado sharaf sagootin ah ugu sameeyay Danjiraha Jamhuuriyadda Djibouti u fadhiya Soomaaliya Mudane Dayib Dubbad Rooble oo waqtigiisu uu dhammaaday.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Danjire Rooble waxqabadkiisa iyo dadaalka uu u galay taageerada Soomaaliya mudadii uu ahaa Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadaasi haddiyad ku guddoonsiiyey Danjire Dayib Dubbad Rooble, isagoo u rajeeyay inuu Ilaahay u fududeeyo xilka cusub ee uu safiirka kaga noqonaya dalka Qatar.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo Wakiilka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Abdalla Idris, oo iyaguna goobta ka hadley ayaa si kooban uga hadley dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee Danjire Dayib Dubbad Rooble uu ka qabtey Soomaaliya.
Danjire Dayib Dubbad Rooble oo xafladda qadada ah ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo isku xiraha labada dal ee walaalaha ah muddadii 7-da sanno ahayd ee la soo dhaafay, isagoo sheegay inuu sii wadi doono dadaalka iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac, xubno ka tirsan labada gole, Taliyaha Ciidammada AMISOM, General Cusmaan Subagle, danjireyaasha waddamada shisheeye u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Dowladda Jabuuti oo ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa dhowaan lagu wadaa inay Safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya, marka uu Danjire Dayib Dubbad Rooble uu dalkiisa dib ugu laabto.
Hoos ka Daawo Sawirada:-