Gaari lagu xiray Miino ayaa ku Qarxay dhabarka dambe saldhiga degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
Dad ku sugan degmada Waabari ayaa sheegay in Qaraxaasi uusan geysan khasaaro nafeed, lakiin gaarigii qarxay uu burburay.
Gaariga cida laheyd wali ma shaacin maamulka degmada Waabari, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in gaarigaasi uu lahaa qof shacab ah.
Ciidanka dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgalo.