DHAGEYSO:- Dil ka dhacay Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Baaritaano ka socda

0

Askar katirsan kuwa Jubbaland ayaa rasaas ku furay nin dhalinyaro ah oo labo maalin ka hor geel keenay Magaalada Kismaayo doonayeyna inuu dib ugu laabto baadiyihii uu ka yimid.

Ninka la dilay Ayaana magaciisa lagu soo koobay C/weli Ina Hure waxaana ciidanku aysan sheegin sababta ay utoogteen ninkaasi rayidka ahaa.

Marxuumka la dilay ayaa kusugnaa markii la tooganayey meel ganacsi oo ku taalla Isgoyska Balcad Ee Bartamaha magaalada Kismaayo waxaana markii dambe laga qaaday meydka goobtaasi.

Qof goob jooge ahaa ayaa sheegay in ciidanka Jubbaland ay toogashadaasi ka dambeeyeen iyadoo ninka la dilay uu ahaa geeleey dhawaan yimid Kismaayo neef geel ah uu watana markii uu iibsaday dib ugu laaban rabay Baadiyihii laakiin tiisa ay gashay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-