Guddoomiye ku xigeenka aminga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdulahi ayaa shegey in werar xalay ka dhacay deeganka luuqa jeelow lagu dilay Madaxihii howlgalada Al shabaab ee Hiiraan oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali, ay fuliyeen Ciidamada dowlada oo garab ka helay mid ka kamid ah maleeshiyadka gobolkasi oo ka careysan dilka nin Nabadoon ah oo Al shabaab ay horey u dileen.
Waxaa uu sidoo kale sheegey masuulkaan in hadda ay baaritaan ku aadan sida ay xalay wax uga dhaceen degaanka luuqa jeelow, inkastoo uusan si rasmi ah u xaqiijinin cida gacanta ku haysa Degaankaasi.
Guddoomiye Xigeenka Gobolka Hiiraan,Maxamed Ibraahim Cabdullahi,ayaa sheegay in degaanka ay wali xaaladdiisa kacsan tahay islamarkaana Ciidamadii ku dagaallamay halkaasi ay wali heegan ku jiraan,islamarkaana meeshaasi waxkasta laga filan karo.
Hoos ka Dhageyso Codka:-