Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay Tv-ga Universal ayaa sheegay in aysan jirin Dad ay Dowladdu u diiday in ay Shiraan islamarkaana ay isku yimaadaan oo ay ka hadlaan Siyaasad iyo waxii ka dhaxeeya intaba.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Tilmaamay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay Xaq u leeyihiin in ay isku yimaadaan oo ay ka hadlaan Waxii Talo ah oo ka dhaxaysa,waxaana uu xusay in habayaraatee aysan jirin Siyaasad Xukumadda ama Dowladda ay ku diiday in Dadku ay Shiraan oo si Nabad galyo ah iskugu yimaadaan Hotelada.
Horay ayaa Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya waxaa ay u soo saartay Wareegto lagu amrayo Milkileyaasha Hotelada ku yaalla Muqdisho in aan lagu qaban karin wax Shir ah oo aysan Ogeyn Wasaaradda,waxaana sidoo kale dhacday in Hotelada Muqdisho lagu kala Eryay Siyaasiin doonayay in ay Shiraan.
Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya Xilli Musharaxiita u Tartamaya Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya qaarkood ay yimaadeen Muqdisho islamarkaana ay bilaabi doonaan Ololahood Siyaasadeed.
Hoos ka Dhageyso Codka:-