DHAGEYSO WARBIXIN: Cabashooyinka ka soo baxaya qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo sii kordhaya iyo Wasiiro ka mid noqday dadka..

0

Tan iyo markii Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu hadlaayay arimaha doorashooyinka iyo xubnaha aqalka sare ayaa waxaa soo baxaayay cabashooyin kala duwan oo ay muujinayaan qeybaha kala duwan  ee bulshada Soomaaliyeed oo ka mid yihiin  siyaasiin ku jira  dowladda , iyo madaxda maamul goboleedyada qaarkood.

Cabashooyinka ugu badan ayaa waxa ay ka yimaadeen labo xubnood oo aqalka sare loogu daray maamulka Puntland ayna isku raaceen madaxda madasha wadatashiga Qaran shirkii ugu dambeeyay ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in ay jiraan khalad siyaasi ah oo ay galeen madaxda Madasha Wadatashiga Qaran , waxaana uu si dadban u qeexay in ay ka soo horjeedaan labada xubnood oo maamulka Puntland loogu kordhiyay aqalka sare.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guleed oo ka hadlayay magaalada Gaalkacyo ayaa ku tilmaamay labada xubnood ee maamulka Puntland loogu daray aqalka sare kuwa xaqdaro ah ,waxuuna sheegay in maamulka Galmudug ay kasoo horjeedaan labadaasi xubnood.

Qaar ka mid ah siyaasiinta u taagan hogaanka dalka ayaa sheegay in qodobadii kasoo baxay shirka madasha Wadatashiga Qaran ay ku jiraan kuwa dhibaato u horseedikara dalka.

Hoos ka Dhageyso Warbixinta oo dhameystiran:-