C/raxmaan Maxamed C/dulle Wasiirka Dhalinyarada ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay shaqo abuur u sameyneyso dhalinyarada ku nool deegaanadeeda.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in 60 dhalinyaro ay shaqo u abuurayaan, sidoo kalena ay rajeynayaan in sanad walbo ay shaqo abuur u sameynayaan dhalinyarada.
Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto hormarinta iyo shaqo siinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
Shalay ayaa waxaa magaalooyin ka tirsan Soomaaliya laga xusay maalinta Dhalinyarada aduunka, waxaana Xaflad ka dhacday Magaalada Garoowe ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Puntland.
Hoos ka Dhageyso Codka:-