Dowladda Seerbiya oo dalkeeda ka celisay muhaajiriin ay ka mid ahaayeen Soomaali

0

Ciidanka ilaaladda Xududa dalka Serbia, ayaa sheegay in ay khamiistii lasoo dhaafay ay dalkooda ka celiyeen, 12 qof oo ahaa muhaajiriin u kala dhashay wadamada Somalia, Afganistaan, Croatia iyo Turkey, iyadoona la xiray labo qof oo kale oo ka yimid Belgrade.

Labada qof ee Muhaajiriint ahaa, ayaa lagu xiray meel u dhow xuduuda Croatia, kadib markii gaari ay wateen lagu arkay 12 ruux oo kasoo kala jeeda Somalia, Afganistaan, Croatia iyo Turkey.

Ciidanka ayaa xabsiga u taxaabay waxaa la sheegay in ay xirnaan doonaan 30 cisho, halka 12 kalena lagu eedeeyay in ay si sharco daro ay ku doonayeen in ay ku galaan dalkaasi.

Dhawaan ayaa ciidamada ilaaladda xuduuda dalka Serbia, waxaa ay wada shaqeyn xoogan la bilaabeen ciidamo isku dhaf ah waxaana u jeedka lagu sheegay sidii loogu hortagi lahaa soo galootiga sharci darada ah, waxaana amarkaasi bixiyay raisal’wasaaraha dakaasi Aleksandar Vucic.