Nin mindi ku hubeysnaa, ayaa waxaa uu Sabtidii weeraray boosteejo tareenada laga raaco oo ku taala Magaalada St Gallen ee Waqooyi Bari Switzerland.
Lix qof oo middi uu carruur yahay, ayaa waxaa la xaqiijiyay in weerarkani ku dhaawacantay. Rakaab fara-badan, ayaa ku sugnaa boosteejada la weeraray, xilligii uu weerarku dhacaayay.
Ninkaan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu dab qabadsiiyay tareenka, ka dib markii uu dhaawacay lixda qof. Dhaawac aan noociisa la sheegin ayaa soo gaaray ninkaasi.
Ciidamada ammaanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen ninka weerarka ka gaystay boosteejada Salez, kaasoo loo aqoonsaday inuu yahay 27 jir u dhashay Switzerland, waxaana dhaawaciisa la dhigay isbitaal lagu ilaalinaayo.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska oo lagu magacaabo Bruno Metzger, ayaa sheegay in weerarkani uu u muuqdo mid argagixiso.
Sarkaal kale oo Booliska Switzerland u hadlay, laguna magacaabo Hanspeter Kruesi, ayaa sheegay in dembiilaha aanu qaxooti ahaan ku soo gelin dalkaasi.
Muddooyinkii ugu dambeysay, ayaa waxaa Wadamada Qaaradda Yurub ku soo badanaayay weerarada loo adeegsanaayo mindida/tooreyda.
Hoos ka Daawo Sawirada:-