Barnaamij gaar ah uu Sabti walbo ka qabto Zakariye Axmed Xasan Cowke Telefishinka Somali Cable oo la magac baxay YOUTH SHOW ayuu habeenimadii Xalay kusoo bandhigay Qodobo Muhiim ah.
Si gaar ah ayuu fariin ugu soo diray dhalinyarada Soomaaliyeed Zakariye islamarkaana labo qodob oo Xasaasi ah la wadaagay in ay ka feejignaadaan hadimo ay uhorseedo.
Barnaamijka ayaa qodobka Koobaad waxa uu Zakariye kaga digay Tahriibta oo dhalinyarada Soomaaliyeed inta badan ay badaha ku le’deen.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay Fasaxa Iskuulaadka iyo Goobaha Waxbarashada markii lagaaro iyo sida looga faa’iideysan karo oo dhalinyarada looga baahan yahay inaysan waqtiga iska luminin.
Hoos ka Daawo Muuqaalka Barnaamijka:-