Iyadoo maalmihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ay ka dhaceen dagaal beeleedyo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa waxgaradka maamulka Koonfur Galbeed , waxa ay ku baaqeen in dagaal la joojiyo.
Malaaq Cabdirashiid Sheekh Cabdisalaan oo ah gudoomiyaha golaha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in looga baahan yahay beelaha ku dagaalamaya deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed in ay joojiyaan dagaalada , islamarkaana ay nabada qaataan.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in aan la dhibaateyn bulshada dagan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed , xiligaan aan loo baahneyn in uu dagaal beeleed ka dhaco deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.