Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday qurba joogta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay maalgeshi ku sameystaan dalkooda.
Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in qurba joogta Soomaaliyeed ay ugu baaqayaan ina y maalgashi ku sameystaan dalkooda.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qurba joogta uu u baahan yahay dalka , madaam ay yihiin dad Soomaaliyeed oo aan laga maarmin aqoontooda iyo waayo aragnimadooda.
Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in umada Soomaaliyeed ay isku tashadaan ayna ciidankooda dhistaan arintaas laga rabo in ay hormuud ka noqdaan qurba joogta.
Hoos ka Dhageyso Codka:-