Hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku daba jirto shirkado caalami ah kuwaa soo uu sheegay in ay la dhuuntaan canshuurta dalka.
Nuur Jimacaale Faarax ayaa sheegay in shirkadahaasi looga baahan yahay in ay bixiyaan canshuurta dalka hadii kale ay dowladda Soomaaliya ka qaadi doono tilaabo waafaqsan sharciga.
Hanti dhowrka Qaranka ayaa sheegay in dowladaha maalgashiga ku sameynaya dalka looga baahan yahay in ay bixiyaan canshuurta dalka , hadii kale laga qaadayo tilaabo ku haboon.
Nuur Jimcaale Faarax ayaa tusaale u soo qaaday shirkadaha ka ganacsada Garoomada diyaaradaha ee dalka ka jira oo uu sheegay in looga baahan yahay in ay si deg deg ku bixiyaan Canshuurta dalka.
Hoos ka Dhageyso Codka:-