DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Sh/Dhexe iyo Amisom oo ka wada hadlay amniga gobolka

0

Iyadoo maalmaha soo socda lagu wado in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe uu ka furmo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay kulan la qaaday saraakiisha ciidanka AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlawe Xuseen ayaa sheegay in maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo AMISOM ay ka wada hadleen xaqiijinta amniga magaalada Jowhar iyo sidoo kale la dagaalanka ururka Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale sheegay in amniga magaalada Jowhar si weyn loo adkeeyay, madaam lagu qaban doono shirka  maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay hakad geliyay howlgaladii ka dhan ka ahaa ururka Al-Shabaab, waxaana hada maamulka uu sheegaya in howlgaladaasi dib loo bilaabayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-