DHAGEYSO SHIR JARAA’ID:- Kulankii todobaadlaha ee Gobolka Banaadir oo Arrimo Xasaasi ah loogu hadlay, Gudoomiyaal degmo oo xilalka laga qaadayo

0

Kulankii todobaadlaha ee Masuuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir oo Maanta lau qabtay Xarunta aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa loogu hadlay halka uu maro Qorshaha lagu hormarinayo gobolka, kaarka Aqoonsiga ee Teesara Minishiibiya, dhismaha wadada Sodonka iyo isbedelada lagu sameeyay qaar ka mid ah Gudoomiyaasha degmooyinka iyo Arrimo kale.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ku xigeenadiisa, iyo dhamaan Gudoomiyaasha degmooyinka.

Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la dardar gelinayo qaadista canshuuraha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Arrin wanaagsan ay tahay in Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Maamulka gobolka iney iska kaashaadaan isbedelada lagu sameynayo gudoomiyaasha gobolka Banaadir.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id:-