DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay duqeyntii ka dhacday deegaan ka tirsan Jubbada Dhexe

0

Duqeyntan oo dhacday Khamiistii la soo dhaafay ayaa waxa ay ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe, warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaaraha ka dhashay Duqeyntan.

Isgaarsiinta degmada Saakow oo hawada ku soo laabtay awgeed ayaa waxaa inoo suurta gashay inaan xiriiro la sameyno qaar ka mid ah dadka Deegaanka, waxaana ay sheegayaan in khasaare badan ay ka dhasheen Duqeyntaasi.

Diyaarado dagaal ayaa la sheegayaa in ay Duqeeyeen fariisamo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku lahaayeen afaafka hore ee degmada Saakow.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ilaa iyo 30-ka mid ah Dagaalamayaasha Al-shabaab in Duqeyntaasi ay wax ku noqdeen, inkastoo Shabaab faah faahino dheeraad ah aysan ka bixin.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab Duqeyntaasi uu khasaare ka soo gaaray.

Mudooyinkii dambe ciidanka dowladda ee sida gaarka ah u tababaran iyo ciidanka Ajnabiga ah ayaa waxa ay laba jibaareen howlgallada ay ka sameynayaan fariisimaha Shabaab ay ku leeyihiin Bartmaha iyo waliba Koonfurta Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-