Muslimiinta Mareykanka oo hal Arrin ku eedeeyay Donald Trump kana soo horjeestay Ololihiisa

0

Hoggaamiyayaasha bulshada Muslimiinta Mareykanka, ayaa dhaliilay musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump.

Muslimiinta, ayaa dhaliilay Trump kaddib markii labo Muslimiin oo mid ka mid ah Imam ahaa toogasho lagu dilay xilli ay masjidka ka yimaadaan, kuna jeedeen gurigooda magaalada New York.

Booliska, ayaa sheegay in aysan weli ogaan waxa keenay dilka, mana jirto sabab lagu aamini karo in ragga loo weeraray diin.

Madaxweynaha golaha xiriirka Islaamka ee New York, Zead Ramadan, ayaa sheegay in hadalada ololaha Trump ay hurinayeen naceyb loo qabo Muslimiinta.

In ka badan boqol ruux, ayaa ka qeybgalay dibadbax ka dhacay meel u dhow halka ay toogashada ka dhacday, iyadoo in badan ay weerarka ku sheegeen mid naceyb ah, waxayna ku eedeeyeen Donald Trump inuu hurinayo naceybka Islaamka.