Soomaalida Kunool dalka Mareykanka ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan ka dib markii ay bateen khudbadaha islaam neceybka ah ee ay jeedinayaan qaar ka mid ah siyaasiiinta dalka Mareykanka.
Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee kunool magaalooyinka dalka Mareykanka ayaa sheegaya in ay sare u kacday cadaadis ay wajahayan marka la eego ilaha ammaanka ee dalka Mareykanka oo si gaara u la socda dadka Soomaaliyeed.
Soomaalida ayaa lagu eedeeyay in ay yihiin argagixiso sidaas darteedna ay haboon tahay in Mareykanka laga joojiyo sida uu sheegay Donald Trump oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee dalka Mareykanka.
Waxa ay sheegayaan dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykanka marka laga soo tago cabsida ilaha ammaanka in ay jirto cabsi kale oo ku aadan in ay beegsadaan dadka caadaanka ah kuwaasoo oo ay shucuurtooda kaciyeen hadalada ay jeediyeen qaar ka mid ah siyaasiinta dalka Mareykanka.
Donald Trump ayaa jeediyay hadalado uu ugu gafay dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykanka , waxaana hadaladaasi cambaareeyay qaar ka mid ah siyaasiinta dalka Mareykanka oo ku tilmaamay kuwo ku saleynsan isirneceyb.