AKHRISO:- Magacyada Saraakiil Al-Shabaab ah oo lagu dilay Duqeyntii ka dhacday gobolada Jubooyinka

0

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Mareykanka ayaa dilay 30-dagaalamayaal ka tirsan Xarakada Al-shabab waxaana kujira hogamiye sare laba howlgal oo kala duwan kana dhacay Koonfurta Soomaliya afartii maalmod ee ugu dambeesay.

Saraakiil ku dhow xukuumadda ayaa u sheegay wakaalada wararka Shinwa in howlgaladaasi ay dhaceen 10-ka bishaan August waxana lagu bartilmaamaysaday 13-dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab oo ku sugneed degmada Sakow.

Sarkaal diiday in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa ugu sheegay qadka telfoonka in ciidamada Mareykanka oo taageraya ciidamada sida gaarka u tababaran ee Soomaaliya ay duqeyeen saldhig ay lahaayen Al-shabab oo Sakow ku yaalay waxana uu sababay duqeyntaasi geerida 30-dagaalamayaal,howlgalka labaad ayaa dhacay 13-ka August waxana kamid ahaa dadkii dhintay hogaamiyaal sar sare.

Sarkaal dhinaca amaanka u hadlay ayaa sheegay in loo maleenayo howlgalka in lagu dilay lagu hogaamiyaha Xarakada Al-shabab Abu Cubeyda,sarkaalka ayaa tilmaamaya in sidoo kale ay jiri karaan in howlgalka lagu qabtay Hogaamiyaha,waxaa lagu dilay howlgalka 3-ku xigeenadiisa waxana kamid ah afhayeenka Al-shabab Abu Muscab iyo qof magacisa lagu soo gaabiyay Abu Cumar.