DAAWO SAWIRADA:- Banaanbaxayaal ka careysan toogasho Booliska ay u geysteen Nin Madow oo gubay goobo ganacsi

0

Banaanbaxyo rabshada wata oo ka dhacay magaalada Milwaukee kadib markii habeenkii Axada soo galeysay uu askari Boolis ah toogasho ku dilay nin madow ah oo la sheegay inuu bistoolad ku hubeysnaa. 

Dilka ayaa la sheegay inuu geystay askari joojiyay ninka madow oo watay gaari kadib markii laga shakiyey, ninkaasi madow oo la sheegay inuu ahaa 23 sano jir ayaa diiday inuu dhigo bistoolad uu sitay waxaana toogasho ku dilay askariga oo laftiisa la sheegay inuu ahaa askari madow.

Kadib dilkan ayaa waxaa magaalada Milwaukee ka dhashay banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayeen madow magaaladaasi ku dhaqan oo cambaareeyey dilka ay Booliska u geysteen wiilka madow, walow ninkaasi la tuhunsanaa inuu horey u soo geystay falal burcadnimo.

Dadkan careysan ayaa gubay qaar ka mid ah Goobaha ganacsi ee magaaladaasi, waxaana halkaasi la geeyey ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa militariga Maraykanka si ay gacan u siiyaan Booliska magaaladaasi.

Mudooyinkii danbe ayaa waxaa isa soo tareysay xiisad u dhaxeysa Booliska iyo shacabka madowga Mareykanka oo sheega in askarta Booliska ay mar walba xuquuqdooda ku xadgudbaan oo si sharci daro ah ku dilaan dadka madow.

Hoos ka Daaow Sawirada:-

Rabshado 1 Rabshado 3 Rabshado 4 Rabshado 5 Rabshado 6 Rabshado 7 Rabshado 8 Rabshado 9 Rabshado 10 Rabshado 11 Rabshado 12 Rabshado 13 Rabshado 14 Rabshado 15 Rabshado 16