DEG DEG:- Madaxweynaha Somaliland oo isku shaadheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada iyo Wasiiro Caan ah oo xilalkii laga qaaday

0

Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xil ka qaadis iyo isbedelo balaaran ku sameeyay Qaar ka mid ah xubnaha xukuumadiisa.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa ku qornaa Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday, kuwa cusub ee xilalka loo dhiibay iyo waliba kuwa isbedelada lagu sameeyay.

Wasiirada xilalka uu ka qaaday Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirkii Arimaha Gudaha ee maamulka Soomaaliland Waran-cade.

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in isbedeladan ay yihiin kuwo kor koolgu qaadayo xukuumada Soomaaliland iyo sidii loo hormarin lahaa hormarka maamulka Soomaaliland uu ku talaabsanayo.

Saraakiisha iyo saraakiil ku xigeenada kala duwan ee ciidanka maamulka Soomaaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyay magacaabista Taliyihii hore ee ciidanka Soomaaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo kaalin weyn ka soo qaatay dhismihii ciidanka maamulka Soomaaliland.