DHAGEYSO:- Dowladda Germany oo xirtay nin Soomaali ah ka dib markii hal Arrin lagu qabtay

0

Mas’uuliyiinta dalka Germany ayaa sheegay in ay xireen nin Soomaali ah oo lagu tuhmayo in uu ka mid ahaa koox Burcad badeed ah oo 4 sano ka hor qabsaday markab laga lee yahay dalkaas.

Markabka MV Susan K, oo ay ka howl gasho shirkad Jarmal ah, ayaa xeebaha Cumaan laga afduubtay sanaddii 2011, Kooxda burcad badeedda Soomaalida ah ee markabaas afduubtay, ayaa shaqaalahii saarnaa haystay muddo ka badan 2 Bil, ilaa laga siiyey lacag madax furasho ah oo dhan 3.5 Milyan oo Dollar.

Wakaaladda wararka Germany ee DBA, ayaa ka soo xigatay dacwad oogaha magaalada Osnabrueck Alexander Retemeyer in ninkan Soomaaliga ah oo aan magaciisa la sheegin uu qirtay in uu ku lug lahaa afduubka.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa waxaa la xiray saddex toddobaad kahor isaga oo magan galyo ka raadinaya magaalada Koonfureed ee Reutlingen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-