DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay halka ay mareyso Dacwada Badda ee Kenya kala dhaxeyso

0

Iyadoo Bisha soo socota dib ay u furmi doonto dacwadda Badda ee u dhaxeysa Somaliya iyo Kenya, ayaa Dowladda Somaliya waxa ay rajo ka muujisay inay ku guuleysato dacwadaasi.

Dacwada ayaa waxa ay dib u bilaaban doontaa 19-ilaa 20-ka Bisha September, waxaana ay ka dhaceysa Maxkamada ICG halkaasi oo ay taalo dacwada u dhaxeysa Somaliya iyo Kenya ee ku aadan muranka dhanka badda.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/Salaan Hadliye Cumar ayaa Saxaafadda u sheegay inay rajo ka qabaan ku guuleysashada arintaasi.

Waxa uu sheegay Somaliya inay haysato qareen fiican oo u doodaya, kuwaasi oo u kala dhashay dalalka Mareykanka, France iyo Britain, waxaana madax u ah Gabar Somaliyed oo Qareen ah, taasi oo hogaanka u haysa Dooda Difaaca Badda Somaliya.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay inay u taagan yihiin difaaca dhulka iyo Badda Somaliya, sidaasi awgeedna aysan jiri doonin cid isku dayda inay qaadato badda Somaliya.

Kenya ayaa ku doodaysa qaybo ka mid ah badda Somaliya inay leedahay oo ay ka tirsan tahay baddeeda, arintaasi oo ah mida keentay dacwad in loo gudbiyo Maxkamada caalamiga ah ee ICG.

Hoos ka Dhageyso Codka:-