Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay hadda dawladu u xiran yihiin dad Xuquuqul insaanka dembi ka galay waxaana uu sidoo kale ka digay in Siyaasada iyo Arimaha Bini’aadanimada la isku lifaaqo kuna tilmaamay Sharci gaar ah oo Siyaasada loo sameeyey.
Waxa uu sidoo kale sheegay inuu aad uga xumaado jir dil ama ihaano sharaf qofeed loo geysto Dawlada Shakhsi katirsan ama qof kaleba falkaasi ha sameeyo.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in si adag loola Xisaabtamo dadka ku xad gudba Xuquuqda aadanaha.
Hoos ka Dhageyso Codka:-