Waxaa shalay magaalada Beydhabo ee gobolka Baay gaaray Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumada federaalka Soomaaliya Pro C/laahi Sheekh Cali Qaloocow iyo wafdi uu hogaaminayay.
Wafdiga uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta ee gaaray magaalada Beydhabo ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Qorsheynta ee maamul goboleedyada dalka, Saraakiil ciidan iyo xubno kale.
Magaalada Beydhabo ee gobolka Baay ayaa waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir looga hadlayo Barnaamijka Hormarinta Qorshaha Qaranka 2017-ka ilaa iyo 2019-ka.
Shirkan magaalada Beydhabo ka furmaya ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka socota Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya iyo Wasiirada Qorsheynta maamulada dalka ka jira iyo xubno kale.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya Pro C/laahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa warbaahinta u sharaxay shirka looga hadlayo Barnaamijka Hormarinta Qorshaha Qaranka ee maanta ka furmaya magaalada Berydhabo ee gobolka Baay.
Hoos ka Dhageyso Codka:-