Wasiirka Wasaarada Haweenka dowladda federaalka Soomaaliya Sahra Cali Samatar ayaa waxa ay sheegtay dowladda Soomaaliyeed ee la dhisayo hadii Haweenka Soomaaliyeed ay ka helaan Qoondadooda ku aadan Boqolkiiba Soddon in ay la imaan doonaan isbedel.
Waxa ay sheegtay in ay aad uga mahadcelinayaan dhamaanba dadkii ka shaqeeyay in ay helaan xuquuqda Haweenka ay ku lahaan doonan dowladda cusub ee soo socota.
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo ku mideysan Madasha Wadatashiga Qaran ayaa waxa ay isku raaceen in Haweenka Soomaaliyeed Qoondadooda xaga siyaasada ee Boqolkiiba Soddon ay helaan.
Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay hirgelinta sidii Haweenka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen kaalintooda xaga siyaasada.
Hoos ka Dhageyso Codka:-