Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay ka soo horjeesteen wada hadalka u dhaxeeya maamulada Khaatuma iyo Soomaaliland.
Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka socota Khaatuma kuwaas oo halkaasi u jooga wadalka lagu soo afjarao khilaafka ka dhextaagan maamulada Khaatuama iyo Soomaaliland.
Waxgaradka ayaa waxa ay sheegeen in gabi ahaan ay ka soo horjeedaan siyaasada Madaxweynaha Khaatuma uu wada hadalka kula galayo maamulka Soomaaliland.
Puntland iyo Soomaaliland ayaa labaduba sheegta Gobolada Sool iyo Sanaag in ay ka arrmiyaan halka maamulka Khaatumo dhankiisa uu sheegto in labada dhinacba ay ka madax banaan yihiin.
Hoos ka Dhageyso Codka:-