DHAGEYSO:- Xasan Sheekh oo Fariin u diray Madaxda Dowladda iyo Waalidiinta Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka digay in laga daba yimaado xubnaha ka tirsan Shabaab ee ay ciidanka dowladda soo qabtaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay marka ciidanka dowladda ay soo qabtaan xubnaha ka tirsan Shabaab in ay ka daba yimaadaan Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Ganacsato iyagoo ku doodaya in aysan wax dambi ah aysan laheyn Shabaabka ciidanka dowladda ay soo qabtaan.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya in dowladda aysan heysan doonin qof dambi aan lagu heyn laakiin mararka ay dhacdo Shabaab ay soo xireen ciidanka dowladda in ay soo daayaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo ku doodaya in ay garanayaan oo qofka wax dambi ah uusan laheyn.

Hoos ka Dhageyso Codka:-