Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo galabta gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu kulan gaar ah xarunta Madaxtooyada Cadaado ee maamulka Galmudug uu kula leeyahay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo wasiiro ka tirsan maamulkaasi.
Socdaalka Wasiirka oo aan horey loo sii shaacin ayaanan la ogeyn ujeedkiisa hase ahaatee warar ku dhow Madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu u gaaray xiisad ka dhalatay jidgoogooyin Maleeshiyaad ay dhigteen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Odowaa inta uu halkaasi ku sugan yahay in uu soo hadal qaadi doono dadaalada nabadeed ee u dhaxeeya ururka Ahlu-sunah iyo maamulka Galmudug.
Saraakiil ka mid ah Madaxtooyada Galmudug oo aan soo xiganeyno ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka u dhaxeeya Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi xaashi Carabey iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa in si gaar ah looga hadli doono xiisada ka taagan deegaanada Galmudug.