DAAWO SAWIRADA:- C/wali Gaas oo Hay’adaha Qaramada Midoobay kala hadlay Arrimo la wada sugaayay

0

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay hay’adaha Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay Garowe, kuwaas oo dawladda kala shaqeeya arrimaha aadanaha iyo mashaariicaha horumarineed.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray wixii ka qabsoomay  iyo waxa weli qabyada ka ah mashaariicaha sannadkaan 2016-ka ay hay’adaha qaramada midoobey ka fuliyeen Puntland  iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen mashaariicahaasi.

Kulanka sidoo kale, waxaa lagu lafo guray dhaqaalaha ay deeq bixiyayaashu ugu deeqaan Puntland isla markaana lasoo marsiiyo hay’adaha Qaramada Midoobey sidii ay  dawladdu si dhow ugula socon lahayd dhaqaalahaasi in uu gaarey meelihii loogu talo galay si dalka looga hirgeliyo adeegyo waxtar u leh bulshada.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku war-gelisey hay’adaha Qaramada Midoobey in ay maamulka u soo gudbiyaan shaqaalaha ka shaqeeya dhammaan xafiisyada hay’ahaasi oo aanay ku jirin kuwa caalamiga ah, si ay u bixiyaan cashuuraha  ku waajibey.

Ugu dambayn Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland ayaa hay’adaha Qaramada Midoobey ku boorriyey in ay  marwalba mudnaanta koowaad  siiyaan deegaanada ka baxsan laamiga iyo Dadka reer guuraaga ah, isla markaana ay si siman ugu adeegaan shacabka Puntland.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

gaas3 gaas2 gaas1