Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in guud ahaan gobolka Jubbada Hoose uu ku bilaaban doono howlgal ka dhan ah Al-shabaab iyo sidii looga sifeyn lahaa Shabaab deegaanada ay ka joogaan Jubbooyinka.
Aadan Maxamed Sharmaarke oo ka mid ah saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay qorshaha inuu yahay bilaabista howlgal ka dhan ah Shabaab.
Wuxuuna sheegay in heegan ay ku jiraan ciidanka Jubbaland sidoo kalena ay sugayaan awaamiir kaga timaada Mas’uuliyiintooda si ay u qaadaan howlgal ka dhan ah Shabaab.
Madaxweynaha maamulka Jubaaland Axmed Maxmed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa horey usheegay inuu bilaaban doono howlgalka loogu magac daray Wabiga Jubba ee qorshaha uu yahay in Shabaab looga saaro deegaanada Jubbooyinka, inkastoo howlgalkaasi weli aan la shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu bilaabanayo balse ay socdaan diyaar gorowga ciidanka iyo abaabulkooda.
Hoos ka Dhageyso Codka:-