DHAGEYSO+TOP NEWS:- Khilaaf dhanka Maamulka ah oo ka jira Degmada Cadale

0

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Degmada Cadalle ee Gobolka Shabellaha Dhexe  C/raxman Axmed Cabdi ayaa sheegay inuu Khilaaf ka jiro qaabka loo qaado Canshuurta Degmada islamarkaana aysan Ogeyn inta badan Xubnaha Maamulka.

C/raxmaan Axmed ayaa sheegay in Lacagta Canshuurta ah ee laga qaado Dadka ku nool Magaalada ay Gacanta u gasho Guddoomiyaha Degmada Cadale oo aysan jirin Cid wax loogu qabto sida uu hadalka u dhigay,waxaana uu Tilmaamay in Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe uu ku wargaliyay Dhibaatada ka jirta Cadale oo aysan weli jawaab ka bixin.

Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Cadale ee dhanka Amniga iyo Siyaasadda ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo cid kasta oo Arrintaas wax ka qaban karta ugu baaqay in ay soo faragaliyaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-