Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo ay ku beegsanaayay dadka tahriibayaasha ah ee maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Axmed Abshir Axmed oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Puntland ay gacanta ku hayaan ku dhawaad 250 qof oo tahriibayaal ah oo laga soo qabtay xeebta magaalada Boosaaso.
Axmed Abshir Axmed oo la hadlay idaacadda BBC ayaa sheegay in dadka ay gacanta ku dhigeen ay yihiin dad waa weyn ayna baaritaan ku wadaan ciidanka ammaanka maamulka Puntland.
Dhawaan maamulka Gobolka ayaa shaaciyay in ay gacanta ku hayaan ku dhawaad 250 oo isku jira Rag iyo dumar, kuwaa soo doonayay in ay ka tahriibaan xeebta magaalada Boosaaso.