Madaxweynaha Puntland oo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland u Magacaabay Shaqsi caan ah

0

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Qareen Yuusuf Xaaji Nuur u magacaabay gudoomiyaha maxkamada sare ee Puntland, sida lagu shaaciyay degreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

Qareen Yuusuf Xaaji Nuur ayaa horey usoo noqday gudoomiyihii maxkamada sare ee Puntland xilligii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, wuxuuna intaas wixii ka damabeeyay ahaa gudoomiyaha xafiiska gargaarka sharciga ee Puntland.

Dhinaca kale, gollaha wasiirada  Puntland ayaa u fadhiyay kulan degdeg ah oo madaxtooyada ka socday, kaasoo ay kumeel mariyeen guddigaan uu madaxweynuhu magacaabay oo maanta lagusoo saaridoono warsaxaafadeed.