Mo Faarax oo la sheegay inuu Caasi Waalidiin yahay, hal Arrina lagu Cadeeyay

0

Wiilasha la dhashay laacibka reer caalami ee orodyahanka adduunka iyo dalka Ingiriiska Mo Farah oo lagu kala magacaabo Mahad iyo Axmed Faarax ayaa sheegay in Mo Farah uu iska iloobay ehelkiisii isla markaana uu noqday caasi aan dan ka lahayn dadkiisa.

Wareysi ay siiyeen jariirada The Mirror ee dalka Ingiriiska ayay ku sheegeen labada walaalo ee la dhashay Mo Farah in Mo Farah aanu sanado badan aabihiis Mukhtaar Faarax wax xiriir ah la sameynin, isla markaana uu yahay qof caasi ah oo dadkiisii gooyay.

Wiilashan oo aan ku hooyo ahayn Mo Farah waxay sheegeen inay aad uga xumaadeen qoyska markii uu guursaday haweeney lagu magacaabo Tania, warkaasina ay ka maqleen warbaahinta, aabihiisna uu aad uga naxay inuu wiilkiisii ka qarsado arooskiisa.

Aabaha dhalay Mo Farah waa 53 sano jir, wuxuuna dalka Ingiriiska geeyay wiilasha kala ah Maxamed Faarax oo 8 sano jir ahaa xilligasi Mahad iyo Waxiid oo Soomaaliya uu kala cararay. Wiil mataane la ah Mo oo lagu magacaabo Xasan ayaa weli ku sugan Soomaaliya.

Mo Farah ayaa la noolaa eedadaas xaafadda Hanworth ee Koonfur Galbeed London, halkaasoo uu aabihii ku dhiiri geliyay ciyaaraha fudud.

Wiilasha la dhashay Mo Farah waxay sheegeen in markii uu caan noqday walaalkood uu xiriirka u jaray reerka intiisa kale, isla markaana uu iloobay qoyskiisa iyo halka uu ka soo jeedo, taasoo keentay inuu xiriirkii ka jarto aabihii oo aanay xitaa wadahadlin.

Arrintan ay maanta faafisay jariirada Mirror ayaa soo shaac bixineysa xaalada dhabta ah ee uu ku sugan yahay orodyahanka asalkiisu Soomaaliga yahay ee reer Ingiriis Maxamed Faarax (Mo Farah).