Khilaaf xoogan, ayaa waxaa uu xilligaan soo kala dhex galay Madaxda Dowladda Somaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed oo la tilmaamo in saaxiibo dhow yihiin.
Khilaafkan, ayaa ka dhashay kulan 9-kii bishaan Aqalka Madaxtooyada Somaliya ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Mahad Maxamed Salaad iyo Madaxweynaha Galmudug.
Dhinacyadan, ayaa waxay Madaxweynaha Galmudug u soo bandhigeen in uu shaqada isaga taggo, maadaama bishii hore ee July uu qaliin adag oo dhinaca wadnaha uu ku maray dalka India, dhakhtarkuna uu kaga digay inaanu qaban shaqooyinka ad adag, isla-markaana uu u baahan yahay nasiino badan, kana fogaado buuqa.
Sidoo kale waxay u soo bandhigeen C/raxmaan Maxamed Xuseen uu noqdo Madaxweynaha Galmudug, Mahad Maxamed Salaadna loo magacaabo Wasiirka Arrimaha Gudaha, halka isaguna uu noqdo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, iyagoo walwal ka muujiyay xaaladiisa caafimaadeed awadeed. Waxay ku doodeen in xanuunkiisu uu ku soo beegmay, xilli adag oo lagu wado in doorasho ka qabsoomto dalka, iyaguna ay u baahan yihiin shakhsi si wayn uga soo ololeeyo dhinaca Galmudug, ee soo qorista Xildhibaanada.
C/kariin Xuseen Guuleed oo si adag uga horyimid amuurtaasi, ayaa sheegay in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, isla-markaana uu qabsan karo shaqadiisa, isagoona ku gacan-seyray soo jeedintooda. Maalintii xigtayba wuxuu C/kariin Xuseen uu u cararay Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu kula kulmay xubno uu ka mid yahay General Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid). Kulankaasi waxaa ka soo muuqday waxgarad iyo Xildhibaano ku deegaan ah, iyadoo uu u sheegay dalabkii Madaxtooyada ee ahaa in uu is casilo. C/kariin wuxuu kulankaasi ka sheegay in Madaxtooyadu uu yoolkeedu yahay in la inqilaabo Maamulka Galmudug.
Ilo wareedyo, ayaa sheegaaya in beesha C/kariin ay si xoogan uga hortimid qorshaha uu dhabarka ka riixaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna u ballanqaadeen in booskiisa aanu nin kale la wareegi doonin, iyagoo ku hanjabay in af iyo muruqba ay ku difaacayaan.
Culeyska uu Madaxweyne Guuleed kala kulmay Villa Somalia, ayaa wax u dhintay xaaladiisa caafimaad, waxaana uu u cararay isbitaal ku yaala Magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasoo iminka lagu dabiibaayo, muddo-na ay macquul tahay inuu ku nagaado.
Dhanka kale Wasiir Odawaa, ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG gaar ah ee Maamulka Galmudug. Qorshaha uu u tagey Cadaado waxaa lagu sheegay xoojinta qaraarka Madaxtooyada.
Wasiir Odawaa, ayaa waxaa lagu wadaa in kulamo gooni gooni ah uu Magaalada Cadaado kula qaato beelaha Gobolada Galgaduud iyo Mudug, si uu uga dhaadhiciyo in Galmudug ay is bedel u baahan tahay.
Odawaa, ayaa mudada uu ku sugan yahay Cadaado waxaa uu kulamo kale uu kula qaadan doonnaa Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, si ay ugala shaqeeyaan qasdiga lagu doonaayo in xilka looga tuuro C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo uu u soo bandhigi doono in kalsooni wayn uu ka haysto Madaxweyne Xasan.
Ma cadda waxa ay tani soo kordhin doonto, haddiise la meelmariyo ujeedada Villa Somalia, ayaa waxaa markaasi suurtagal ah in Galmudug ay wajahdo xaalad burbur ah.