DHAGEYSO:- Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay Ciidamo gaar ah oo loo Xil saaray ilaalinta amaanka Xarunta Baarlamaanka ay ku shiraan

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay Ciidamo gaar ah oo loo sameeyay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa aad ugu mahadceliyay Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Jawaari ayaa sheegay Booliska inuu yahay ilaalinta muwaadinka, sidaasi awgeedna markasta loo baahan yahay ciidamada Booliska inay ka turjumaan magaca Somaliyed.

“Ilaalada Baarlamaanka waa Saldhiga Dowladnimada, ilaalinta Dowladnimada waa soo saarista haybada shacbiga Somaliyed uu mudan yahay sidaasi awgeed mahad gaar ah ayaan u jeedinayaa Taliyaha iyo ciidanka Booliska Somaliyed oo waayahan dambe dib u habeyn xoogan wada.” Ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Ciidamadan cusub ee Baarlamaanka Somaliya loo sameeyay ayaa noqonaya kuwa masuuliyada amniga Baarlamaanka qaata, maadaama dalka xiligaan kala guur uu galaayo oo ay halis tahay in amniga uu xumaado.

Hoos ka Dhageyso Codka:-