Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay inuu ka digayo Saqiir suujin soo socota oo lagu sameeyo Dawladnimada dadka iyo Dalka Anfaceysa.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan in loo baahan ilaalinta ama Xanaaneynta Dawladnimada isagoo si maldahan usheegay in Mucaaradnimada lala daba joogo Dawladiisu aysan waxba soo kordhineyn.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Siyaasiyiinta wax mucaaradaya ay muhiim tahay talo soo jeedin wax dhiseya aysan noqon mid wax dumineysa saameyna aysan ku yeelan dawladnimada soo koreysa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkaan ka sheegay Shirkii uu kusoo xiray Magaalada Muqdisho ay qurba joogta Soomaaliyeed ay ku lahaayeen.
Hoos ka Dhageyso Codka:-