Maxamed Daa’uud Maxamed oo Soomaaliya u matalaya ciyaaraha Olompic-da Aduunka ayaa maanta ka qeyb qaadanaya isreeb reebka orodka 5,000M.
Maxamed ayaa tartan adag kala kulmi doona qaar ka mid ah ciyartoyda u ordi doonta wadamada ka qeyb galaya tartankan.
Maxamed ayaa maanta Orodkiisa ku balansan, waxaana uu qiray in uusan wax cabsi ah dareemeyn hadda.
“Waxaan ahay mid u yimid halkaan sidii uu ku guuleysan lahaa tartankaa ayuu yiri “Maxamed Daud Mohamed.
Wiilka Kenya ku dhashay ee Maxamed, ayaa ahaan jiray ciyaaryahan kubadda cagta ciyaara. tan iyo markii uu uga gudbay ciyaaraha fudud ayuuse ka fariistay kubadda cagta, isagoo xooga saaray orodka.
Maryan Nuux Muuse oo iyana ka mid ah ciyaartoyda Soomaaliya ugu mataleysa Orodka Rio 2016-ka ayaa 13-kii Bishan oroday waxaana ay tartankan ka gashay kaalinta ugu hooseysa iyadoo la oroday 7 Gabdhood oo wadamo kala duwan u tartamayay.
Magaalooyinka dalka Brazil ayaa waxaa weli si xiiso badan uga soconaya Ciyaaraha Olympic-da Aduunka Rio 2016, waxaana ka qeyb galaaya in ka badan Toban Kun oo ciyaartoy kuwaas oo ka kala socda 207 Dal oo caalamka ah.
Soomaliya ayaa leh laba ciyaartooy oo caan ku ah tartanka orodada inkastoo dhalashooyin kale ay heystaan, waxaana ay kala yihiin, Mo Farah, iyo wiilka Canadian-ka ah ee Mohamed Ahmed, waxaana aad loogu qiimeeyaa ciyaaraha Orodada.
Hoos ka Dhageyso Codka:-